Advertisements
Wararka

M/weynaha Puntland oo kormeeray garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe…


Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee magaalada Garoowe, kaas oo nashqadaytiisa iyo qurxintiisu marayso heer gebogebo ah lana filaayo in maalmaha fooda inagu soo haysa ay soo gebageboowdo.

Dhinaca kale garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, shirkadaas oo garoonka u dhistay qaab farshaxankiisu aad u heer sareeyo, welibana si weyn looga baaraan degay qaabka dhismaha dhabaha diyaaraduhu ka haadaan.

garoonka garoowe1

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku guda jiray kormeerkiisa ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Mohamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kormeerkiisii Garoonka uu kusoo gebagebeeyey qaybta dejinta iyo rarka xamuulka diyaaradaha, halkaas oo lagu soo bandhigay agabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: