Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Mareykanka oo dalkiisa ka saaray heshiiskii nukliyeerka Iran…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalkiisa ka saaray heshiiskii 2015ka lala galay dowladda Iran kaas oo dhigayay in ay joojiso barnaamijkeedii Nukliyeerka, oo ku bedelato sidii cunaqabateynta saarneyd dhowrka sano looga qaado.

Trump ayaa heshiiskan ku sheegay mid lagu khiyaamay Mareykanka islamarkaana eeda oo dhan dusha laga saarayo maamulkii isaga ka horreeyay ee Obama uu madaxda ka ahaa.

Wararku waxa ay sheegayaan in maamulka Trump uu dib u howlgalin doono dhammaan cunaqabateenadii laga qaaday Iran ee baddalka looga dhigay joojinta barnaamijkeeda nukliyeerka.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweyne Trump uu horay u shaaciyay in uu maanta go`aan ka gaarayo heshiiskii nukliyeerka Iran.

Iran ayaa dhankeeda ku gooddisay in cawaaqib-xumo uu kala kulmayo maamulka Trumpo haddii uu ka boxo heshiiska.

Dowladaha Fransiiska, Ingriiska iyo Jarmalka oo ka xumaadey ka bixitaanka Mareykanka heshiiskan.

Dowlada Israel ayaa sii weyn u soo dhoweysay go’aanka Madaxweynaha ee ka bvixitaanka heshiiska nukliyeerka Iran.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: