Advertisements
Wararka

Muhaajiriin badan oo xeebaha dalka Liibiya laga qabtay ayaa lagu celiyey Liibiya…


Maraakiibta ilaaliya xeebaha dalka Liibiya ayaa ka hortagey doonyo kuwa la buufiyo ah oo ay la socdeen 500 muhaajir xeebaha galbeed ee Liibiya, waxayna ku soo celiyeen Liibiya.

Afhayeen u hadlay ciidanka ilaaliya xeebaha dalka Liibiya Ayoub Qaasim ayaa sheegay in ay ka hor tageen dooni ay saarnaayeen 100 muhaajir oo ka socday waqooyiga Afrika oo ay ku jireen 18 Liibiyan ah.

Wuxuu kaloo sheegay in ay ka hortageen seddax doomood oo kale oo xambaarsan 400 oo muhaajir bariga Tripoli, waxaanna muhaajiriinta la geeyey xarumaha dadka lagu hayo oo ay hoos timaado xukuumada Tripoli.

Liibiya ayaa ah meesha ugu muhiimsan ee muhaajiriinta isku dayaya in ay uga gudubaan Yurub ay maraan, laakiin tirada muhaajiriinta ayaa hoos u dhacday tan iyo bishii Luulyo sanadkii hore kaddib markii la qabtay qaar ka mid ah kooxaha wax tahriibiya ee magaalada Sabrata.

Midowga Yurub iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale taageera ciidanka ilaalada Xeebaha Liibiya oo ilaaliya muhaajiriinta u gudba dalalka Yurub.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegtay in 6660 muhaajir ay tageen dalka Talyaaniga ilaa bilowga sanadkan, waxay hoos u dhaceen 80% dadkii isla mudadaasi soo galay 2017.

Muhaajiriinta badankood ayaa ka soo jeeda Qaarada Afrika khaas ahaan kuwa Saxaraha ka hooseeya.

Shabakada Wararka
Hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: