Advertisements
Wararka

Sacuudiga oo ku dhowaaqay xiliga laga qaadayo xanibaada haweenka ee wadida gawaarida…


Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday waqtiga haweenka loo oggolaan doono inay wadaan gawaarida.

Xukuumadda ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay in bisha June 24-keeda ay noqon doonto maalinta laga qaaday xanibaada haweenka ee wadida gawaarida.

Sannadkii hore ayaa madaxda Sucuudigu ku dhawaaqeen qorshayaal uu haweenka u oggolaanayo inay wadaan baabuurta.

Tani waa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee dib-u-habaynta oo uu qaaday dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman.

Waxaa la sameeyay dhawr dugsi oo lagu barto wadida gawaarida magaalooyinka Sacuudiga si loogu diyaariyo haweenka inay ku fariistaan shukaanta baabuurka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: