Advertisements
Wararka

Wasiirka Tamarta ee Israel oo u digay Assad inuu noloshiisa ku weyn doono haddii…


Wasiirka Tamarta ee Israel ayaa sheegay in ay meesha ka saari doonaan xukuumadda Bashar Al Assad haddii ay ogolaato in Iiraan ay weerar kaga soo qaado ciidda Suuriya.

Yuval Steinitz ayaa ka digay in haddii weerar lagu soo qaado “ay waajib tahay in Assad uu ogaado in ay noqon doonto dhammaadkiisii iyo dhammaadka dowladdiisa”.

Hadalkiisaas ayaa yimid iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in masuuliyiinta Israa’iil ay qorshaynayaan in ay gantaallo ku weeraraan Iiraan ama gobahaa kale ee ay galaangalka ku leeyihiin.

Iiraan ayaa wacad ku martay in ay ka aarsan doonto weerarradii dhawaan lagu qaaday saldhigyada ay Suuriya ku leedahay kuwaas oo lala xiriiriyay Israa’iil.

Israa’iil ma aysan xaqiijinin mana aysan diidin in ay weerarradaas ka dambaysay, balse waxay sheegtay in ay hor istaagi doonto wax ay u aragto “kobcinta” awoodda milatari ee ciidammada Iiraan ee Suuriya ku sugan.

Iiraan ayaa garab taagnayd madaxweyne Bashaar al Assad toddobadii sano ee uu dagaalka sokeeye ku jiray, wuxuuna geeyay boqolaal la taliye oo dhanka milatariga ah iyo kumannaan malayshiyo ah.

Steinitz oo Isniintii waraysi siiyay wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay in Israa’iil aysan faro galinin colaadda Suuriya ka taagan inkastoo Assad “uu dambi ka galay iyaga iyo dadkiisaba”

Laakiin wasiirka tamarta ayaa ku goodiyay in “haddii Assad uu ogolaado in Iiraan ay adeegsato saldhig Suuriya ku yaalla ayna ka soo weerarto ciidda Suuriya in ay waajib tahay in uu markaas ogaado in ay noqon doonto dhammaadkiisa iyo dhammaadka dowladdiisa, isla markaasna uusan sii ahaan doonin hogaamiyaha Suuriya ama madaxweynaha Suuriya”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: