Advertisements
Wararka

M/weynaha Puntland oo sheegay in xubnaha P/land ku metela aqalka sare aan waxba…


Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay arrimaha la xiriira Aqalka Sare ayaa waxa uu sheegay 2011-kii markii Dastuurka la sameynayay, maamulka keliya ee ku doodayay in la dhiso Aqalka Sare in ay aheyd Puntland.

Waxa uu sheegay Maamulka kale ee xilligaasi jiray in ay aheyd Galmudug oo aan dhameystirneyn, keliyana ay aheyd Magaalada Gaalkacyo barkeeda, Galmudugna xilligaasi aysan dooneyn Federaal.

“Lama rabin in la dhiso Aqalka Sare, waan qasabnay, laakiin hada waxba nama tarin, wax hada uu na taray oo uu noo soo kordhiyay ma jirto, Dagaal baan waxaan ku galnay inaan helno 11 xubnood, maadaama Dowlad Goboleedyada kale ay leeyihiin min 8 xubnood.” Ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay inuu ku taliyay xubnaha Aqalka Sare ee Puntland in ay u doortaan dad qibrad leh oo uu tusaale u soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, balse hada aanay meel ku sheegin, oo waxba aanay u qaban Puntland.

Ugu dameyntii Madaxweyne Gaas ayaa sheegay rag Aqalka sare ka tirsan oo Puntland ka tirsan oo uu gacantiisa ku qoray in ay ka soo horjeesteen Mashaariic horumarineed oo laga fulinayay degaanada Puntland, wuxuuna tilmaamay in hada uusan waxba oraneyn, balse Doorashada dambe uu sheegayo waxa ay sameeyeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: