Advertisements
Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlay waxyaabo been abuur ah oo ku saabsan imtixaanka…


Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa kaga digay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in ay dhibaato kala kulmaan waxyaabo been abuur ah oo ku saabsan Imtixaanka dowladdu qaadi doonto 19-ka Bishaan.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad marin habaabinaya Ardayda, islamarkaana doonaya in ay ka iibsadaan waxyaabo aan sax aheyn, islamarkaana aan aheyn Imtixaankii ay diyaarisay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay arintaasi ay ka muujiyaan Feejignaan si aysan dhibaato ula kulmin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin dhibaatadda soo gaartay Ardayda wax ka barata Magaalada Beledweyne, islamarkaana dib loo dhigay Imtixaankii Ardayda Beledweyne.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: