Advertisements
Wararka

Xoghayaha Arrimaha dibada ee Mareykanka oo booqanaya magaalada Pyongyang…


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa booqanaya magaalada Pyongyang ka hor kulanka taariikhiga ah ee ay yeelan doonaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Pompeo ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo gunaanado qabanqaabada wadahadalka ku saabsan soo afjaridda barnaamijka nukliyeerka ee gacanka Korea.

Waxaa kale oo uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay samayn doonto sida saxda ah oo ay sii dayn doonto saddexda muwaadin ee Maraykanka ah ee lagu hayo Kuuriyada Waqooyi.

Waa kulankii labaad ee Pompeo uu ku tago Pyongyang, bishii hore ayuuna la kulmay Kim isaga oo markaas ahaa taliyaha hay’adda sirdoonka ee CIA.

Markaas ka dibna wuxuu sheegay in “xiriir wanaagsan” uu ka alkunmay booqashadii bishii Abriil, kaas oo noqday kulankii ugu darajo sarreeyay ee Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi dhexmara tan iyo 2000.

Talaadadii ayuu Pompeo sheegay in ay calaamad wanaagsan noqon doonto haddii xabsiga laga sii daayo saddexda muwaadin ee Maraykanka ah.

Toddobo iyo toban billood ayaan waydiisanaynay sii dayntooda,” ayuu yiri.

Masuuliyiin wasaaradda arrimaha dibada ka tirsan oo wasiirka ku weheliya socdaalka ayaa sheegay in ay “soo dhagaysan doonaan isbadalka Kuuriyada Waqooyi ku yimid ee ku aadan hiigsigeeda nukliyeerka”.

Trump oo shaacinayay in Maraykanku uu ka baxay heshiiskii xiligii Obama lala galay Iiraan ee nukliyeerka ayaa soo hadalqaaday booqashada Pompeo.

“Waxay nala tahay in aan xiriir aan la yagleelayno Kuuriya”, ayuu yiri madaxweynuhu.

Isaga oo ka hadlayay kulanka fooda inagu soo haya ee Kim iyo Trump ayuu yiri “Kulankanaga waa la dajiyay. Goobta lagu qabanayo waa la calaamadiyay oo xataa taariikhda iyo wakhtiga waa la go’aamiyay.”

Wuxuu intaas ku daray “aan aragno sida arrintani u shaqayso. waxaana laga yaabaa in ay waxba ka soo naaso caddaan waayaan.

Balse waxay noqon kartaa arrin u wanaagsan Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed iyo dunida oo dhan.

Bishii Abriil ayuu Trump ka yaabiyay beesha caalamka markii uu aqbalay soo jeedintii Kuuriyada Waqooyi ee ahayd in ay wadohadal toos ah yeeshaan.

Waana arrin aan horay loo saadaalinin in madaxweyne xil haya oo Maraykan ah uu la kulmi doono Kuuriyada Waqooyi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: