Advertisements
Wararka

Ciidamada Kumaandooska oo howlgal ka fuliyey deegaan u dhaxeeya Afgooye iyo Bariire…


Duqeyn iyo dagaal culus ayaa waxay ka dhacday deegaan ka tiraan shabellada Hoose kaas oo lagu magacaabo Macalinka.

Ciidamada Kumaandooska Dowlada Soomaaliya ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay howlgal ka fuliyeen Deegaan u dhaxeeya Degmada Afgooye iyo Bariiri.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa watay diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca, waxa ayna ciidankan howlgalka xoogiisa ka fuliyeen deegaan ku dhaw Bariire oo lagu magacaabo Macalinka.

Dadka ku dhaqan deegaanka Macalinka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas xoogan iyo qaraxyo ay u maleynayaan in ay ahaayeen duqeyn, waxa ayna sheegeen in howlgalka dhacay xalay Saqdii Dhexe xili ay dadku jiifeen.

Warbaahinta afka Al Shabaab taageerta ayaa qortay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay dileen shan qof oo beeraley ah kuwaa oo la socday gaari Cagaf cagaf ah oo waday Qudaar sida ay sheegeen.

Dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkan xalay ciidamada wada jira ka fuliyeen Deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidankan horey howlgalo kala duwan uga fuliyeen degmooyin iyo deegaano katirsan Sh/ Hoose.

Ma ahan weerarada Nuucaan kii ugu horeeyey ee ka dhaca Shabellada Hoose hase ahaate waxay tani sii xoojineysaa Dagaalka lagu jiro urur Alshabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: