Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Mareykanka oo u hanjabey dowlada Iiraan haddii ay dib u bilowdo…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay dowlada Iiraan in cawaaqib xumo kala kulmi doonto hadii ay dib u bilowdo in ay sameysato hubka halista ah ee Nukliyeerka.

Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii dhinaca hubka Nukliyeerka dowlada Mareykanka la gashay Xukuumada Tehran, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in heshiiskaasi uu ahaa mid hal dhinac ah.

Madaxweynaha Mareykanka si cad uma sheegin waxa ay noqon doonto cawaaqib xukumada dowlada Iiraan la kulmeyso hadii ay dib u bilowdo Mashruuceeda hubka Nukliyeerka.

Donald Trump ayaa sidoo kale ku goodiyay in Iiraan kusoo rogi doonaan cunaqabateyntii ugu adkeyd abid, waxa uuna sheegay in dowlada Iiraan ka shaleyn doonto hadii ay dib ugu laabato sameynta hubka Nukliyeerka.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa intooda badan kasoo horjeestay Heshiiska ay ka baxday dowlada Mareykanka, waxaana wali Wadamadaasi ku adkeesanayaan in heshiiskaasi sidiisa uu kusii socdo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: