Advertisements
Wararka

Ammaanka Gobolka Shabeellaha Hoose oo maalmahan laga deyrinayo…


Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro iyo qaraxyo ay dad ku dhinteen.

Waxaa qarax weyn oo ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay suuq ku yaala degmada Wanlaweyn, ayada oo dhinaca kalena duqeyn ay ka dhacday deegaanka Bariire.

Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Qoryooleey.

Hadaba waa sidee xaaladda guud ee gobolka? Maxamed Colaad Xassan ayaa ka wareysi siiyey Idacada VOA gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhinaca Amniga Cali Nuur Maxamed asigoo tilmaamay in maalmihii u danbeeyey weeraro iyo qaraxyo lala eegtay ciidamada ka tirsan dowlada ee kusugnaa Wanlaweyn iyo qoryooleey taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Gudoomiyaha ku xigeenka Amniga Cali Nuur wuxu si cad ula wadaagay shacabka ku dhaqan deegaanada laga fuliyey qaraxyada in ay la wadaagan warbixinada ay hayaan asigo sheegay in ururka Alshabaab uu cadaw ku yahay dhamaan ummadda soomaaliyeed ayna haboon tahay in laga hortago siwadajir ah falalka dilka iyo weerarada ay geesanayaan.

Hadalkaan ayaa kuso aadaya xili dhawaan weeraro iyo qaraxyo laga fuliyey Deeganada wanlwaeyn iyo qoryooley ee hoos taga Shabeellada Hoose.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: