Advertisements
Wararka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia Najib Razak oo laga mamnuucay inuu dalka ka baxo…


Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razaq iyo xaaskiisa ayaa laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo, waxaana sidaasi shaaciyay laanta socdaalka ee dalkaasi.

Arrinkani ayaa imanaysa ka dib markii Najib Razaq uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay doonayaan inay dalxiis u aadaan dibedda.

Isbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii Najib Razaq iyo xisbigiisa Barisan Nasional ay la kulmeen guuldaro naxdin lahayd.

Najiib ayaa lagu eedeeyey inuu lunsaday lacag gaaraysa 700 oo milyan oo doolar, eedaasoo uu isagu diiday.

Maalintii khamiista ahayd ayaa Mahathir Maxamed waxaa loo dhaariyay inuu noqda Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia, wuxuuna noqonayaa hogaamiyaha caalamka ugu da’ weyn.

Dr Mahathir Maxamed ayaa howgabnimadii kasoo laabtay kana adkaaday saaxiibkiisii hore.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: