Advertisements
Wararka

Israel oo ku guuleysatay tartanka heesaha ee Eurovision oo lagu qabtay Lisbon…


Tartanka heesaha ee Yurub Eurovision oo lagu qabtay magaalada Lisbon ee dalka Portugal ayaa waxaa ku guuleysatay heesaa Israel ah oo la yiraahdo Nita, heesteeda “Toi” oo ka hadleysa dhibaateynta haweenka ee jidadka dhinaca galmada.

Heesta Nita ayaa ka mid aheyd doorashooyinkii ugu horeeyay ee xeerbeegtida, laakiin waxay gaadhay meesha ugu horaysa bilawga codbixinta elektarooniga ah ee dadweynaha, waxaa ku xigsaday gabar ka socotay dalka Qubrus oo gashay kaalinta labaad.

Nita ayaa soo jiidatay sheekadeeda “Toi”, oo laga sameeyay dhacdooyinka lagula kaco haweenka jidka ee ka dhanka ah dhibaataynta galmada “Xataa Aniga”.

Nita ayaa uga mahadcelisay guddiga garsoorka iyo dhagaystayaasha inay “aqbalaaan kala gedisnaanta” waxayna kor u qaadey calaamada abaal-marinta (mikrofoon dhalo ah).

Nita, oo magaceeda oo buuxa ahaa Nita Barzilai, ayaa heshayy 529 dhibcood halka Ilane Forira oo ka soo jeeda Qubrus ay heshay 436 dhibcood.

ellini

Waxaa aad ugu tartamay kaalimaha hore dalalka Austria, Jarmalka, Israel iyo Qubrus, Austria ayaa hogaamineysa liiska ka dib markii codka xeerbeegtida heestii uu qaaday Cesar Sampson oo aheyd “Qof kale ma jiro.”

Laakiin natiijada ayaa soo baxday markii codka dadwaynuhu uu bilawday in uu noqdo xafiiltan u dhaxeysa Nita iyo Ilane.

Israel ayaa ku guuleysatey tartankan Eurovision afar jeer Markii ugu danbeysay ee Israel ay ku guuleysato tartanka waa 20 sano ka hor, 1998, iyo 1978 iyo 1979.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: