Advertisements
Wararka

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Fransiiska…


Ciidamada Boosliiska dalka Faransiiska ayaa xaqiijiyay in nin tooreey sitay uu dhowr qof oo waddo marayey ku toorriyeeyey bartamaha magaalada Paris.

Booliska waxa ay sheegeen in Weerarkaasi uu ku dhintay hal qof dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidamada booliska Paris ayaa sidoo kale sheegay in ninkii toorrayda ku hubaysnaa ay toogteen.

Waxaa uu weerarkaan ka dhacay halka lagu magacaabo Opera area.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramaya in la arkayey xaalad murugo leh, iyo qaylada dad barooranaya iyo sidoo kale dhawaqa rasaasta.

Wali si rasmi looma xaqiijin karo aqoonsiga Ruuxa weerarka geystay iyo Baaxadda Khasaaraha.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa bilaabay baaritaan la xiriira argagixisada kadib markii uu nin mindi ku hubaysani uu toorriyeeyey dad marayey waddo kutaal bartamaha magaalada Paris.

Hal qof ayaa dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen, ayadoo labo kamid ah dadkaasna ay xaaladoodu halis tahay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka in markale dalka Faransiisku uu difaacay dhiigiisa balse aysan dib u guranayn oo aysan u ogolaan doonin taako dadka cadawga ku ah xorriyadda.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda mashquulka badan ee lagu magacaabo Opera, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninka mindida sitay uu ku qaylinayey “Allahu Akbar” booliiskuna ay isku dayeen in ay qabtaan kahor intaysan toogan. Kooxda isku magacawda dowladda islaamiga ah ayaa sheegtay in ay weerarkaaas ka dambeeyeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: