Advertisements
Wararka

Ciidamada Israel oo laayey Falastiiniyiin badan oo ka qeyb qaadanayey banaanbax…


Ciidamada Israa’il ayaa maanta laayay Falastiiniyiin badan oo ka qeyb qaadanayay banaan baxyo looga soo horjeeday Safaarada dowlada Mareykanka maanta ka furaneysay magaalada Qudus.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeeday Safaarada Mareykanka ka furaneyso magaalada Barakeysan ee Qudus, waxa ayna Dibad baxayaasha ku qeylinayeen Ereyo ka dhan ah Yahuuda iyo Mareykanka.

Gaza

Ciidamada Israa’il ayaa toogasho ku dilay 37-qof oo Falastiiniyiin ah, halka la dhaawacay in ka badan 900-qof oo Falastiniiyiin ah, waxaana dadka Ciidamada Israa’il laayeen ku jira Caruur iyo haween.

Dad ka badan 35 Kun qof oo Falastiiniyiin ah ayaa maanta ka qeyb galayay banaan baxa ka dhacay Marinka Gaza, waxa ayna dibad baxayaasha ka careesnaayeen Safaarada Mareykanka maanta ka furteen Qudus.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: