Advertisements
Wararka

Shirkii madaxda dowlad goboleedyada oo ka furmay magaalada Baydhabo…


Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay oo Martida ku soo dhoweeyay Baydhabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay.

Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyada ayaa u fadhiya diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.

Shirka labaad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo mar kale uu dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, iyadoo la xusuusto shirkii u horeeyay ee Golahan lagu aas aasay ee ka dhacay Kismaayo uu taagnaa xiisadii u dhaxeysay Galmudug iyo dowladda Federaalka, haatan ay muuqato xiisad cusub oo u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4557 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: