Advertisements
Wararka

Xaflada furitaanka safaarada Mareykanka ee magaalada Qudus oo socota…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo horay uga dhawaaqay in safaarada dalkiisa loo rarayo magaalada Qudus ee la isku heysto.

Tiro badan oo dadka reer Falastiin ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Qudus oo maanta lagu wado in uu safaarad ka furto Mareykanka,waloow ay jiraan muran ku aadan tallaabadaasi uu qaaday madaxweyne Donald Trump.

Madaxda Israa’iil ayaa ku faraxsan furitaanka Safaaraddaasi ,halka dadka reer Falastiin iyo guud ahaan Madaxda Islaamka ay cambareeyeen qorshaha Qudus loogu aqoonsanayo caasimad ay leeyihiin dadka Yuhuudda..

Xaflad lagu maamuusayo furitaanka safaaradda ayaa socota,waxaana la xaqiijiyay in dalal badan oo Yurub ah ay diideen ka qeybgalka xafladdaasi.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa maanta oo Isniin ah ka qeybgalaya xafladda furitaanka, waxaa ka mid ah gabadha uu dhalay Trump iyo Seygeeda.

Go’aanka Trump ee safaaradda Mareykanka ayaa dhaliyey caro dadka reer Falastiin iyo guud ahaan shacuubta Caalamka Islaamka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: