Advertisements
Wararka

Aabe Isbaanish ah oo lagu eedeeyey inuu kufsaday gabadhiisa iyo labo ka mid ah saaxiibadeed…


Aabe Isbaanish ah oo lagu eedeeyay in uu kufsaday gabadhiisa oo 15-jir ah iyo laba ka mid ah saaxiibadeed ayaa sheegay in uu sidan u sameeyey si uu uga xoreeyo waxa uu ugu yeeray “jinniyaal xun.”

Aabaha, Javier G.D, ayaa hortagi doona maxkamada maalinta Khamiista, Xeer ilaaliyaha ayaa dalbanaya in la xiro ugu yaraan 45 sano.

Gabdhaha ayaa sheegaya inay si joogta ah loogu kufsan jiray guriga GD oo ku yaalo Magaalo u dhow Barcelona.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in xaaska Javier ay sidoo kale ku lug leedahay falkan waxaana uu dalbaday in la xiro sagaal sano.

Waxaa xusid mudan in hooyada ay guriga joogtey xiliyada uu kufsiga gabdhaha uu dhacayey, xataa waxay waydiin jirtay “siday ahayd xaaladu”.

Aabaha ayaa sheeganaya in uu maqlo codad ku saabsan inuu kufsado gabdhaha si uu uga xoreeyo nasiib xumada taasi oo saameyn laheyd qaraabadooda.

Maxkamadeynta Javier GD ayaa ka bilaaban doonta magaalada Barcelona maalinta Khamiista.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: