Advertisements
Wararka

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo Puntland oo ka qarxay deegaanka Tukaraq…


Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq oo colaadiisa ay soo laa laabatay.

Waxaana warkan xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna sheegay in laba jiho ay Ciidanka Puntland ka soo weerareen kuwa Somaliland.

Si kastaba ha noqote Dhanka maamulka Puntland saraakiil amni oo u hadashay ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaalka uu jiro, balse hada aanay faah faahin ka bixin Karin.

Waxaa la maqlayaa in labada Dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo socda wax ka badan saacad, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Waxaa tani tahay Xaalad kacsan ee saaka lagu soo waramayo inay ka taagan tahay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq.

Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: