Advertisements
Wararka

Dalalka Turkiga iyo South Africa oo u yeertay safiiradooda ka jooga Israel…


Madaxweyne Dalka Turkey Erdogan oo Isra’il ku tilmaamay argagaxiso, waxa uuna ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroordiiq ah dadkii lagu dilay Gaza, isagoona isugu yeeray dalalka Islaamka (OIC) in kulan deg deg ah isugu yimaadaan wuxuuna tilmaamay in ay tahay duulaan dhab ah oo lagu qaaday wadamada muslimka islamarkasne aan marne la aqbali karin .

Dhinaca Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale u yeertay Safiiradooda joogay Isra’il iyo Mareykanka, kadib xasuuqii shalay Ciidamada Israa’il u geesteen dadkii ka banaan baxayay Safaarada Mareykanka ee laga furayay Qudus.

Sidoo kale Dowlada South Africa ayaa iyana kala soo baxday Israa’il safiirkoodi, waxa ayna dowlada South Africa si weyn uga carootay dadka shacabka ah ee sida xaqdarada ah loo laayay.

Hase ahaate Ciidamada Isra’il ayaa dilay dad ka badan 55-qof oo Falasiiniiin banaan baxayaal ahaa, waxaa sidoo kale la dhaawacay dad ka badan kun qof, dadkan la laayay ayaa ka careysnaa Safaarada Mareykanka ka furatay magaalada Barakeysan ee Qudus.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: