Advertisements
Wararka

Javad Zarif oo safar dublamaasiyeed ku maraya Shiinaha, Ruushka iyo Midowga Yurub…


Wasiirka Arrrimaha Dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa billaabay safar dublamaasiyad si uu damaanad qaad ugu helo heshiiskii tariikhiga ahaa ee nukliyeerka Iiraan, iskastoo uu Maraykanku isaga baxay.

Zarif oo socdaalkiisa ka billaabay Shiinaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo xaqiijiyo “waji cad oo uu yeelan doono mustaqbalka heshiiskaas”.

Maraykanka ayaa dib u soo celin doona cunaqabatayntii saarnayd Iiraan, waxaana laga yabaa in ay arrintaasi sidoo kale saamayso shirkadaha la macaamila, taas oo ka caraysiin doonta dalalkii heshiiska qaybta ka ahaa sida Faransiiska.

Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in uu rajaynayo in Iiraan ay ka sii mid ahaan doonto heshiiska.

“Haddii shanta dal ee kale ee sixiixay ay sii ixtiraamaan heshiiska, Iiraanna way ka sii mid ahaan doontaa heshiiska, Maraykanku siduu doono ha yeelee”.

Heshiiskii 2015kii ayaa Iiraan ka dalbanaya in ay dhinto barnaamijkeed Nukliyeerka ah, iyadana markaas laga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saran.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: