Advertisements
Wararka

Magaalooyinka Somaliland oo maanta laga xusayo munaasabada 27 guurada xuska…


Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland waxaa maanta laga oogayaa, munaasabadda 27 guurada Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Maanta taariikhda waxay ku began tahay 15-ka May, waxaana Somaliland ay xuskeeda ka soo hormarisay waqtigii xuska loogu tala galay oo 18-ka May ku beegan, bisha Ramadaan awgeed oo xilligaasi la guda galayo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku sugan bartamaha magaalada Hargeysa, halkaasi oo gaada ka ciyaar ay ku soo bandhigayaan ciidanka kala duwan ee maamulka Somaliland.

18-kii May 1991-kii shirweyne ka dhacay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa hoggaan dhaqameedkii bulshooyinkii ku noolaa Gobolada Awdal iyo Togdheer, waxa ay ku go’aansadeen in ay sameystaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteed kale.

Shacabka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen maalinkan inay aad ugu faraxsan yihiin 18-ka May, waxayna tilmaameen inay tahay maalin aanay ka tirtirmeyn quluubtooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: