Advertisements
Wararka

Akhriso war-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda dowlad goboleedyada dalka…


Shirkii Madaxda dowlad goboleedyada uga socday magaalada Baydhabo ayaa la soo gabagabeeyay, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Shirkan oo ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa golaha waxay kaga hadleen arrimaha amniga, siyaasadda federaaleynta iyo arrimo kale.

Golaha waxay walaac ka muujiyeen dagaalka ka socda Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen, isla markaana ka mid ah deegaanada Puntland, wuxuu goluhu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo.

Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedyada waxay dowladda federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, sidoo kale aan wali la dhaqan gelin qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii February ee ku saabsanaa dhismaha Ciidamada Booliska Daraawiishta dowlad goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka, Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna tilmaameen in loo arko in dowladda dhinac la safatay khilaafka dalalka Khaliijka.

Halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka

war-murtiyeed baydhabo

war-murtiyeed baydhabo1

 

war-murtiyeed baydhabo2

Advertisements
About Admin (4557 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: