Advertisements
Wararka

Ciidamada booliska Indonesia oo toogtay afar ruux oo soo weeraray saldhig boolis…


Ciidamada booliska dalka Indonesia ayaa toogtay Afar oo ay sheegeen in ay Weerar kusoo qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalkaasi.

Falkaan ayaa ka dhacay Saldhigga ciidamada Booliska ee Jasiiradda Sumatra.

Afhayeenka Ciidamada Booliska gobolka ayaa sheegay in shan ruux oo gaari wadatay oo ay ku hubeysnaayeen faasas gudaha usoo galeen Saldhigga, waxay gaariga ku dardarsiiyeen hal askari oo dhintay, afar ka mid kuwa weerarka soo qaaday ayaa la toogtay halka kii shanaad gacanta lagu dhigay.

Dalka Indonesia ayaa ku jira Xaalad adag , ka dib markii ay ka dhaceen Weeraro badan oo ay Mas’uuliyadooda sheegteen Kooxda Daacish.

Weerarka saaka oo Arbaco ah ka dhacay Jasiiradda Sumatra waxaa uu yimid kadib markii todobaadkan labo weerar lagu qaaday Kaniisado iyo Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada 2aad ee ugu Weyn Indonesia ee Surabaya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: