Advertisements
Wararka

Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka Carabta oo kulan ku yeelan doona Qaahira…


Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka Carabta ayaa la filayaa inay berrito Kulan ku yeeshaan Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaaladda Qaahira, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga codsatay Kulankaasi.

Wakaaladda Wararka Bariga dhexe ee MENA ayaa sheegtay inay Wasiiradda ka wada hadli doonaan Falki iay Askarta Yuhuudda ku dileen 60 Falastiiniyiin ah meel ku dhow Xuduudka Marinka Gaza oo ay la wadaagto Yuhuudda

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Craabta waxay kaloo ka wada arrinsan doonaan Go’aankii sharci-darrada ahaa ee Safaaradda Mraaykanka loogu soo wareejiyey magaalladda Barakaysan ee Qudus.

Dhinaca kale, Ergadda Joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa iyagana maanta Kulan ka yeelanayaa Tacadiga lagu hayo Reer Falastiin iyo Safaarada ay Maraykanka ka furteen magaalladda Qudus-ta La-haysto,.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4028 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: