Advertisements
Wararka

Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka Europa League ee 2017/18…


Antoine Griezmann ayaa laba gool dhaliyey kadib markii Atletico Madrid iyo Marseille ay ku kulmeen ciyaartii finalka ee Europa League oo lagu qabtay magaalada Lyon,  Atletico Madrid ayaa 3-0 ku dharbaaxday Marseille.

Griezmann

Weeraryahanka reer France Griezmann ayaa furay gool dhalinta isagoo ku ciqaabay Andre Zambo Anguissa taabashadiisa liidatay ee goolka.

Kabtanka Atletico Gabi ayaa goolka seddexaad u dhaliyey iyadoo Atletico mar kale qaaday koobkii ay ku guuleysteen 2010 iyo 2012.

Natiijada ayaa laga yaabay inay ka duwanaan lahayd haddii Marseille weeraryahankooda Valere Germain oo fursad gool lagu dhalin karay helay dhalin lahaa.

Kabtanka Marseille Dimitri Payet, ayaa shaki uu ku jiray ka hor ciyaarta, wuxuuna ciyaaray nus saac oo keliya, waxaa la arkayay asaga oo ilmada ka qubaneysa.
Si kasta ha ahaatee waxaa ku guuleystay koobka Europa League kooxda Atletico Madrid.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: