Advertisements
Wararka

Duufaan xoog badan oo la sheegay in ay ku soo fool leedahay qeybo ka mid ah Somalia…


Waxaa soo baxaya durbaba digniinno la xiriira duufaan lagu magacaabo ONE oo la sheegay in ay ku soo fool leedahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobollada Waqooyi Galbeed iyo Bari.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO duufaanta ayaa ka soo kici doonta Badweynta Hindiya.

Sida ay saadaashu tahay dabeyshan ama duufaantan ayaa marka hore ku dhufan doonta deegaanno ka tirsan Puntland, iyadoo marka danbe ku sii faafi doonta dhinaca Somaliland.

Waxaa ay ku baaqday hay’addu in ay dadku taxadir badan sameeyaan, madaama laga yaabo in duufantan geysato bur bur xoog leh.

Sida warbixinta lagu sheegay roob gaaraya 50-100mm ayaa ka di’i kara xeebaha woqooyi ee Somalia, iyada oo marka uu meesha u sareysa gaarana uu noqon karo ilaa 250mm, xilli deegaanadani ay caadi ahaan helaan roob aan badneyn.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.

Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.

Bishii Nofembar ee 2013kii ayey ahayd markii ay duufaan wax-yeelo baaxad leh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: