Advertisements
Wararka

Wasaarada Amniga oo qaraxyadii xalay ku sheegtay in ay ahaayeen kuwa macmal ah…


Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha dowladda Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa sheegay in qaraxyadii xalay laga maqlay magaalada ahaayeen kuwa macmal ah oo aan aheyn madaafiic run ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hase ahaatee dowladda waa ay beenisay.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Qaraxyadaasi ahaayeen oo kaliya kuwo la doonayay in lagu qalqal galiyo shacabka ku dhaqan magaalada, islamarkaana hay’adda Amnigu ogaadeen in ay ahaayeen wax loo ekeysiiyay qarax, laakiin aan wax dhibaato ah geysan.

Ciidammada ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyay bishan Ramadaan oo xalay bilaabatay, maadaama laga cabsi qabo in Al-shabaab ay magaalada gudaheeda ka geystaan weeraro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: