Advertisements
Wararka

Booliska Malaysia oo sheegay in ay qabteen kartoomo lacag iyo dahab ka buuxaan…


Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyin ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Baaritaannada lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla Kuala Lumpur ayaa lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen.

Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Waxaa jira balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay.

Najib laftirkiisa ayaa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar, taas oo uu mar kaste diido.

Mahathir oo ah ra’iisulwasaaraha cusub ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufulada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay.

Jimcihiina Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

“Askarta ayaa baartay 72 boorso oo ka mid ahna waxaa laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

“Qiyaasta saxda ah ee dahabka ma sheegi karo, waayo aad bay u badan yihiin boorsooyinka ay saacadaha iyo dahabku ku jiraan” ayuu yiri sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

%d bloggers like this: