Advertisements
Wararka

Duufaan wadaata roob iyo dabeylo xoogan oo ku dhufatay deegaano ka mid ah Puntland…


Ilo lagu kalsoonyahay aya inoo sheegaya khasaaraha ka dhashay duufaano wata roobab iyo dabeylo xoogan oo ku dhuftay degaano hoos taga maamulka Puntland.

Inkastoo Duufaantan ay saameysay degaano badan, waxaana jira meelo ay ka go’day isgaarsiinta oo aan la ogeyn dhibaatada ay ka geysatay.

Waxaa kaloo jira Daad xoog leh ayaa la soo sheegayaa inuu la tegay gaadiid marayey wadada u dhexaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waxaana daadku qaaday gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mid ah labadii kale iyo gaarigii ayaa lala’yahay.

Sido kale Gaari kale oo isna biyuhu shil ku geliyeen halka loo yaqaano meermeerka oo ku dhow Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee ganacsade Abshir Jaamac Faarax dad kalena waa ku dhaawacmeen.

Waxaa jira gaari kale oo isna la sheegayo in daad kula tegay Toga Ceeldaahir laakiin weli ma jirto faahfaahin laga hayo, isgaarsiinta oo xun awgeed, balse baaritaan ayaa socda.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in hada la amray laamaha amniga iyo baraha kontorool in la hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dadka inta ay socdaan roobabka iyo daadadka.

Hase ahaate Waxaa la soo sheegayaa oo kale in dad badan ku xaniban yihiin wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Qardho, dadka iyo gaadiidkooda ayaa dhinacyada ka jooga Togaga Ceeldaahir, Buuraan iyo labo wanley, halkaasi qoloba ay meel biyuhu ku go’doomiyeen waxay so baxday digniintaan maalinimadi shalay in Duufaano wato roob ka da’i doonaan puntland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: