Advertisements
Wararka

Xoghayaha Guud ee QM oo ka dalbaday maamulka Sudan in la joojiyo fulinta xukunka…


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Khamiistii dalbaday in la joojiyo fulinta xukunka dilka ah ee lagu xukummay Nora Hussien oo loo heysto in ay dishay ninkeeda, iyada oo lagu qasbay guur aynan dooneyn kadibna uu kufsaday asaga oo kaashanaya dad qaraabadiisa ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday maamulada Sudan in ay tirtiraan ciqaabta dilka ee haweeneydaasi lana siiyo fursad maxkamad cusub oo ixtiraameysa sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, Guterres ayaa ugu yeeray in la ixtiraamo waxa ay gabadhu sheegeyso oo ah in ay nafteeda ka difaacaneysay falka kufsiga, halka sharciyada Sudan aanu aqoonsaneyn kufsi guurka dhexdiisa.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa Dhiniciisa sheegay in Guterres uu kiiska Nora si dhow uu ula socdo, Wuxuu intaa ku daray in maamulka Sudan ay qaataan dooda Noura oo ah in ay ka difaaceysay nafteeda isku day kufsi, iyadoo markeedii horeba lagu khasbay guurka.

Isla mar ahaantaana, Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka Amnesty International ee bariga Africa Saif Magangu, ayaa sheegay in ururka ilaa hadda soo ururiyey in ka badan 174 kun oo fariimaha dadka adduunka oo dalbanaya sii daynta Nora, Waxay 150 kun oo fariimaha ka mid ah ay u direen wasaarada cadaalada ee Sudan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: