Advertisements
Wararka

Kooxda Chelsea oo xalay ku guuleysatay koobka FA cup-ka markii 8aad…


Chelsea ayaa markii 8aad xalay mar kale xaqiiqsatay in ay ku guuleysatay Koobka FA Cup-ka, kaddib markii 1-0 ay ku garaacday xiddigaha Manchester United,

Eden Hazard ayaa noqday laacibka guushan u soo hooyay kooxda Chelsea waxaana uu Hazard xili cayaareedkan u noqonayaa markii ugu horeysay oo kooxdan uu kula guuleysto Koobka FA-ga.

Antonio Conte tababaraha kooxda Chelsea ayaa laftirkiisa la oran karaa guushan muhiim ayeey u aheyd oo haddii laga badan lahaa kooxdiisa waxaa hubaal ahaan laheyd in xili cayaareedkan uu masiibo iyo guul-daro weyn la galban lahaa.

May 19, 2007tii ayeey aheyd markii sidan oo kale Chelsea Wembley Manchester United ugu garaacday 1-0 isla finalkii FA Cupka laakiin mar kale taariikhda ayaa soo laabtay waxayna Chelsea mar kale 1-0 ku dubatay Manchester United.

Chelsea ayaa guushan ku laab-qaboojisaneysa madaama ay horay uga hartay u soo bixintaankii Champions League iyo qaadista horyaalka Premier League.

Waxaan la hubin in tababaraha Talyaaniga Conte uu sii ahaan doono hogaamiyaha Chelsea xilli ciyaareedka soo socda, khilaaf kala dhaxeeya maamulka Chelsea.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4982 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: