Advertisements
Wararka

Maxkamada Racfaanka Hargeysa oo mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow…


Maxkamada Racfaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta mar kale xukun xabsi ah ku riday Boqor Cisman Aw Maxamud Buurmadow oo horey racfaan uga qaatay Shan sano oo xabsi ah oo lagu riday.

Maxkamada Hargeysa ayaa 26-kii bishii April ku riday 5-sano xabsi ah Boqor Buurmadow oo lagu eedeeyay in uu tagay deegaan katirsan maamulka Puntland sidoo kale jeediyay hadalo aysan jecleysan Maamulka Somaliland.

Maxkamada Racfaan ee magaalada Hargeysa ayaa ku riday 3-sano oo xabsi ah Boqor Buurmadow, waxaana meesha ka baxay xukunkii hore ee shanta sano ahaa ee horey loogu riday Boqor Cusmaan Buurmadow.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhiga Odayaasha, Siyaasiyiinta , Qorayaasha iyo dadka kale ee dhaliila maamulka ama taga Soomaaliya inteeda kale, waxaana dhawaan cafis Madaxweyne lagu sii daayay Gabar qoraa aheyd oo Xukun ku riday Somaliland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4557 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: