Advertisements
Wararka

Dhageysiga madaxa shirkada Facebook ee Baarlamaanka Yurub oo si live ah loo baahin…


Madaxa Baarlamaanka Yurub Antonio Tajani ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka maanta oo Isniin ah in dhageysiga madaxa shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ee Talaadada oo si live ah loo baahin doonaa.

Tajani ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka inuu kala hadlay Zuckerberg suurtagalnimada in kulanka si toos loogala socdo Internet-ka, Asagana wuxuu ogolaaday codsiga.

Kulanka ayaa loo maleynayay in loo qaban doono albaabbada oo xiran, laakiin si loo gaaro daahfurnaan waxaa la go’aamiyay in kulanka loo baahin doono si dadka ku nool dunida oo dhan ay u arkaan.

Zuckerberg ayaa toddobaadkii hore ogolaaday in uu la hadlo xildhibaannada Yurub oo ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto bartiisa xidhiidhka bulshada ee doorashooyinka Yurub, iyo sidoo kale ilaalinta macluumaadka dadka isticmaalad Facebook.

Kulanka ayaa yimid laba bilood ka dib markii la shaaciyey in shirkadii British-ka ee la-talinta siyaasadeed ee Cambridge Analytics ay gaareen xogta shakhsiyadeed ee tobanaan milyuun oo macaamiisha Facebook ah.

Zuckerberg ayaa horey su’aalo looga weydiiyey arrintan Congress Mareykanka, laakiin wuxuu diiday martiqaadka Baarlamaanka Ingiriiska si uu u bixiyo caddayntiisa baaritaankiisa uu ku sameeyay wararka been abuurka ah dhowr jeer oo soo noqnoqday.

Shabkada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: