Advertisements
Wararka

Arsenal oo u magacawday tababare Unai Emery oo horey u leylin jiray PSG iyo Sevilla…


Arsenal ayaa tababare cusub u magacowday Unai Emery kaas oo loo yaqaano Mr. Europa League maadaama uu saddex sano oo xiriir ah u qaaday kooxda Sevilla ee ka dhisan dalka Spain.

46-jirkaan ayaa laga sugi doonaa inuu dib ugu soo celiyo hanaankii wacnaa kooxda Arsenal iyadoo la xasuusan yahay iney fasalka soo aadan ka ciyaari doonto koobka uu khibradda u leeyahay ee Europa League.

Arsenal waxey website-keeda ku daabacday hadalkii ugu horeeyay uu Unai Emery la wadaagay jamaahiirta kooxda isagoo ballan qaaday iney farxad iyo xusuuso waaweyn wada qaadan doonaan.

“Waan ku faraxsanahay inaan kusoo biiro mid ka mid ah kooxaha ugu weyn ciyaarta kubadda cagta. Arsenal waxaa lagu yaqaanaa loogana jeclaaday aduunka oo dhan qaabka ay u ciyaarto, waxey dhiirigalisaa ciyaartoyda da’da yar, waxey leedahay garoon cajiib ah iyo habka ay kooxda u socoto. Aad ayaan ugu faraxsanahay in masuuliyad la igu saaro inaan cutubkaan cusub ee muhiimka ah ka bilaabo taariikhda Arsenal”

“Waxaan la kulmay Stan iyo Josh Kroenke weyna ii cadeeyeen iney hami weyn ka leeyihiin kooxda sidoo kalana ka go’an tahay iney mustaqbalka guulo u keenaan”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4028 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: