Advertisements
Wararka

AFRICOM oo ka hadashay duqeyn ay ka fuliyeen meel 20 km u jirta Mogadishu…


Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in dayuuradaha wax duqeeya ee Droneska ay duqeyn ka geysteen Arbacadii duleedka Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo ka dhacday meel 20-km Koonfur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho lagu dilay qiyaastii 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku wadaan qiimeyn, aysana jirin illaa hadda wax khasaare ah oo ka soo gaaray dad shacab ah.

Ciidamada Maraykanka oo saldhigyo ku leh Somalia ayaa duqeyntan waxay noqoneysaa tii 14aad ee ay sanadkan ka fuliyaan koonfurta Somalia.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana weeraradaas qaarkood ku dhintay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4028 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: