Advertisements
Wararka

Holland iyo Australia oo dusha ka saaray Ruushka soo rididii diyaaradii Malaysia…


Holland iyo Australia ayaa si wadajir ah u soo saaray Jimcihii bayaan wadajir ah oo dusha ka saaray Ruushka soo rididii diyaaradii Malaysia MH17 oo dul mareysay Ukraine.

Waxaa diyaarada saarnaa 283 rakaab iyo 15 ka mid ah shaqaalihii diyaarada, kuligooda halkaasi ayey ku geeriyoodeen 17 july 2014.

War saxaafadeedka labada dowladood ayaa yimid kadib markii maalin kadiib ay iclaamiyeen khubaradii baaritaanka ee soo dhicida diyaarada oo ku sababeeyey in loo adeegsaday gantaal nooca Puk la yiraahdo oo ka tirsanaa guutada Ruushka ee 53aad ee lidka diyaaradaha, waxaa laga ganay goob waagasi ay ku jirtay gacanta gooni goosadkii taabacsanaa Ruushka bariga Ukraine.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in “Ruushka uu diiday eedeymaha ku lug lahaanshaha masiibadii ku dhacday diyaaradii Malaysia ee dul mareysay Ukraine”, sida lagu baahiyey bayaan wakaalada wararka ee Sputnik ee ku hadasha codka xukuumada Ruushka “baaritaanka ay sameeyeen khubarada Holland kama mid aheyn dhinaca Ruushka, sida la ogyahay dhinaca Ukraine wey joogeen , dabcan Ruushka ma aamini karo natiijada baaritaankan sababtoo ah kama mid aheyn si buuxda baaritaanka”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4982 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: