Advertisements
Wararka

Ciidamada Xasilinta oo howlgal ku soo qabtay burcad hubeysan degmada Dharkeenley…


Ciidamada Xasilinta ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen kooxo hubeysan oo la sheegay in falal amaan daro halkaasi ka wadeen.

Kooxaha hubeysan ee ciidamada amaanka soo qabteen oo gaaraya 11 nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ayaa qaarkood waxa ay ku labisnaayeen dareeska kala duwan ee ciidanka dowlada sida kuwa Milatariga iyo Xasilinta.

burcad hubkooda.png

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi(Tuulax) ayaa sheegay in ragaas lasoo qabtay ay ahaayeen kuwo dadka Shacabka ah dhibaateyn jiray,isla markaana mararka qaar Guryaha ugu geli jireen.

Waxa uu sheegay in howlgalada nuucaan ah laga sameyn doono dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir si looga hortago burcada hubeysan ee dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Magaalada Muqdiso waxaa ku sugan burcad hubeysan oo xirta dareeska ciidanka dowlada, burcadan ayaana xiliyada qaar iska dhiga ciidamada amaanka oo baaritaano sameynaya kadibna dhac ka geesta guryaha ay galaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: