Advertisements
Wararka

Joornaliste Ruush ah oo la sheegay in la dilay oo ka soo muuqday Television-ka


Joornaalistihii Ruushka u dhashay ee la sheegay in lagu dilay caasimadda dalka Ukraine ee Kiev ayaa shalay kasoo muuqday taleefishin isaga oo nool, islamarkaasna bad qaba.

Mr. Babchenko ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Ukraine, waxaana la qabtay shirkaasi jaraaid hay adda sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaan SBU.

Madaxa sirdoonka dalka Ukraine Vasyl Hrytsak, ayaa ka sheegay shirkaasi jaraa’id in dilka uu ahaa mid la jilayay si loo ogaado shirqoolada sirdoonka Ruushka.

Xaaska Mr. Babchenko ayaa horey u sheegtay in ninkeeda dhabarka laga toogtay xilli uu dukaanka kasoo adeegay islamarkaana uu guriga soo galayay.

Meydkiisa oo ubax la dhigayo

Saxafigan horey uguma sheegin xaaskiisa in dilkani uu yahay mid jilliin ah “gaar ahaan waxaan raali galinayaa xaaskeyga,” ayuu yiri.

Ra’isulwasaaraha Ukraine ayaa mar sii horeysay dilka wariyaha, Mr. Bebchencho, ku eedeeyay dowladda Ruushka, iyada oo Ruushka ay ku baaqday in la baaro dilka, eeddana dusha ka saartay xukuumadda Kiev.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: