Advertisements
Wararka

Zinedine Zidane oo iska casilay shaqadii tababarnimo ee Real Madrid…


Zinedine Zidane ayaa si layaab leh isaga casilay shaqada Tababarnimo ee Real Madrid, kaddib muddo labo sano iyo bar oo uu xilka Tababarnimo hayay.

Tababarahan u dhashay Faransiiska ayaa shir jaraa’id oo aan la fileyn qabtay maanta oo khamiis ah, si uu u xaqiijiyo inuu ka tagayo shaqada Tababarnimo.

Zidane ayaa maalmo ka hor kula guuleystay Real Madrid koobkii saddexaad oo isku xiga ee Champions League, kaddib markii uu horay u qaaday sanadihii 2016 iyo 2017.

45-jirkan labo jeer soo noqday xidiga Adduunka, una soo ciyaaray Real Madrid iyo Juventus ayaa ku guuldareystay inuu Horyaalka La Liga u qaado kooxdiisa labadii xilli ciyaareed ee u dambeeyay.

Zidane ayaa waxaa uu qandaraaskiisa uu kula joogay Real Madrid uu ku ekaa sanadka 2020.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: