Advertisements
Wararka

Maalqabeenka dhalinyarada Muslimka ahaa ee reer Australia Ali Banat oo geeriyoday…


Markii Dhakhaatiirta ay ka heleen cudurka kansarka sanadkii 2015,ayaa maalqabeenka reer Australia Ali Banat ku tilmaamay cudurkani inuu yahay isbedel wanaagsan si uu u bilaabo sheekadiisa naf hurnimada, bixinta iyo samafalka.

Dhakhaatiirtu markii hore waxay u sheegeen Banat in kansarku aanu sii soconaynin in ka badan toddoba bilood, laakiin ninkan dhalinyarada Australiyaanka ah ayaa noolaa laba sano ka dib markii laga helay.

Horaantii todobaadkan 29 May 2018 ayaa ganacsadihii maal;qabeenka dhalinyarada ahaa adduunka sagootiyey asaga oo jira 36 sano, laakin wuxuu sameeyey sanooyinkii ugu dambeeyey xoolo aruurin iyo bixinta maalkaasi oo uu u hibeeyey Muslimiinta danyarta ah ee adduunka, intii dagaalka kula jiray cudurka Kansarka.

Inta aan laga helin cudurka ka hor Banat ayaa ku noolaa nolol raaxo badan, wuxuu lahaan jiray gawaarida sport-ga qaaliga ah, dhararka qaaliga ah iyo alaabooyinka raaxda ee qiimaha badan, kadib markii lagu sheegay cudurka wuxuu ogaaday inuu daba ordayey ahdaaf ama ujeedo khalad ah.

Film kuwa yar yar oo laga sii daayey shabakada “One path” ayaa Banat ku sifeeyey cudurka Kansarka hadiyad ama deeq, kadib markii la weydiiyey sababta uu ugu doortay oraahdaasi ayuu ku jawaabay”wa deeq waayo Allah wuxuu i siiyey fursad aan isku bedelo”.

Banat ayaa bilaabay inuu iibiyo dhamaan ganacsigiisa, wuxuuna u safray dalka Togo oo ku yaallo qaarada Afrika oo dadka ku nool 55% noloshooda ka hooseeysa khadka saboolnimada, marka la eego tirkoobyada, Muslimiinta ayaa ah 12-20% dadweynaha dalkaasi.

Si dhakhso ah ayuu u go’aaansaday maalqabeenka dhalinyarada ahaa inuu maalkiisa geliyo dhismaha masaajid iyo iskuul caruurta wax ku baran karta, kadibna wuu sii ballaariyey baaxada waxqabadkiisa, wuxuu aasaasay mashruuc oo ugu magac daray “Muslimiinta adduunka oo dhan”.

Waxaa ka mid ahaa Mashruucyadaasi tuulo hoy u noqota 200 oo haween garoobo ah iyo xarun yar oo caafimaad, iyo howlo lagu kaalmeynayo mujtamaca maxalliga ah, wuxuu ujeedooyinka mashruuca soo geliyey website lacagta lagu aruuriyo “GoFundMe”.

Inta lagu guda jiray saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa la soo ururiyey 797 kun oo doolar, waxaa socda ururinta deeqo dheeraad ah si mashruuca samafalka lagu karaameeyo ruuxa aasaasaha Ali Banat.

Lacagta ayaa loo qaybin doonaa saddex mashruuc, oo loogu talagalay in lagu gaaro xal waara oo lagu hagaajinayo xaaladaha dadka saboolka ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5423 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: