Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Talyaaniga oo mar kale u soo xushay Giuseppe Conte inuu noqdo R/wasaare…


Madaxweynaha Talyaaniga ayaa Giuseppe Conte u soo xushay inuu noqdo Ra’isal wasaaraha xiga ee dalka marki labad mudda siddeed maalmood gudahood ah.

Mr Conte oo ah xubin ay isku waafaqsan yihiin xisbiyada Five star iyo League ayaa waxay durbadiba billaabeen iney soo gudbiyaan xubnaha ay doonayaan iney u soo galan golaha wasiirrada uu dhisi doono Ra’isal wasaaraha cusub.

Xisbiga populist ayaa wuxuu asal ahaan doonayey inuu dowladda soo dhiso balse waxaa si cad uga soo horjeestay madaxweyne Sergio Mattarella, maadaama wasiirka dhaqaalaha uu xisbigu u soo sharaxday Paolo Savona oo aragtidiisa uu uga soo horjeedo Midowga awgeed.

Waxaana wasiirkaasi booskiisa lagu beddelay Giovani Tria oo ah aqoonyahn dalka caan ka ah oo aan u ololeyneyn in laga baxa Midowga Europe.

Dowladda uu soo dhiso Conte waxaa la filayaa in la dhaariyo jimcaha.

Mr Conte ayaa wuxuu sheegay iney dowladdiisa diyaar u tahay iney u shaqayso dhammaan shacabka Talyaaniga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: