Advertisements
Wararka

Mareykanka oo si cad uga horyimid qaraar lagu badbaadinayo shacabka Falastiin…


Mareykanka ayaa si cad u diiday qaraarka Golaha Ammaanka uu u soo saaray badbaadinta shacabka Falastiin

Mareykanka ayaa si cad u diiday qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray oo ku baaqayey in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka Falastiin.

Qaraarkan qabyada ah oo ay diyaarintiisu ka dambeeyeen waddamada carabta, ayaa waxaa lagu qeexay adeegsi awoodeed oo aan isu dhigmin loona meel dayin oo ay Iraa’iil u adeegsato shacabka Falastiin iyo Gantaallada ay Falastiiniiyintu Qaza ka soo ridaan ee ku dhacaya gooba ay deggan yihiin Israa’iiliyiin rayad ah, balse qaraarka ururka xamaas laguma soo hadal qaadin.

Toban dal ayaa meel marinta qaraarkaasi u codeeyey, halka ay afar dal ay ka aamuseen.

Danjiraha Mareykanka Nikki Haley, ayaa waxay qaraarka ku tilmaantay “mid hal dhinac u xagliyo”.

Qaraarka uu sida cad uga soo horjeesatay Mareykankana waxaa si weyn u cambaareeyey ururka Xamaas.

Wararka ka imanaya Qaza ayaa waxay sheegayaan in kalkaaliso caafimaad oo si tabaruc ah uga howlgaleysay Qaza oo xirneed dharka cad ee astaanta u ah xirfadlyaasha caafimaad iney ciidamada Isra’iil ku toogteen meel u dhow xadka Qaza.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: