Advertisements
Wararka

Puntland oo ku eedeeysey Somaliland iyo al-Shabaab inay weerar ku soo qaadeen…


Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ay ku leeyihiin degaanka Balli Khaddar ee Gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland.

Dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen in dagaal culus uu ka dhacay Saldhigga islamarkaana Shabaab ay dhowr Jiho ay ka weerareen degaanka.

Axmed C/llaahi Yuusuf Wasiirka Amniga Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in weerarkaas iyaga iyo Shabaabka ku soo qaadeen, isla markaana la iska difaacay.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkaba waxaa u sheegeynaa in xalay saqdii dhexe in Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Hargeysa ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-Khadar, waxaa weerarkaas hoggaaminayay Maxamed C/llaahi Bataar oo ka tirsan Guutada 8aad ee Maamulka Somaliland”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Dagaalka xalay oo ahaa mid culus ayaa lagu waramayaa in ay ka danbeeyeen xoogagga Al-shabaab oo marar badan oo hore weeraro kala duwan ka geystay gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Galgala.

Edeynta loo jeediyay wali kama aysan hadal Somaliland oo dagaal kula jirta maamulka Puntland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: