Advertisements
Wararka

Rag hubeysan ayaa dilay Sheekh caan ka ahaa magaalada Baardheere…

?????????????????????????????????????????????????????????

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramaya in xalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dileen Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ahaa culimada ugu caansan gobolka.

Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee degmada Baardheere.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyay dilka marxuumka waxaana lagu soo waramayaa in dadkii dilay ka baxsadeen halkii ay falkaas ka geesteen, ciidamada amaanka ayaan ku guleysan soo qabashada ragga dilka geystay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: