Advertisements
Wararka

Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeeyey laba goobood ee marinka Gaza…


Diyaaradaha dagaalka Isra’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Gaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa’iil.

Ciidamda Isra’iil waxay sheegeen in laba gantaal lagaga soo ganay dhinaca marinka Gaza. Mid kamid ah ay qabteen ka kalana uu ku dhacay meel aan loogu talagalin.

Ma jirto weli cid ka mid ah Kooxaha hubeysan ee ku sugan Gaza oo sheegatay iney ka dambeysay weerarka gantaalladaasi.

Saacado kaddib, qaar ka mid ah dad deggan Gaza ayaa wxay sheegeen iney diyaaradaha Isra’iil duqeyn u geysteen xero ciidan lagu tababaro oo uu leeyahay ururka Xamaas.

Afhayeenka u hadlo ciidamada Isra’iil ayaa ka gaabsaday inuu duqeyntaasi wax ka yiraahdo.

Labada dhanba lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqeynta diyaaradaha iyo gantaallada la soo riday midkoodna.

Sabtida shalay ahayd kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qayb galay aaska kalkaaliso caafimaad oo tabarruc ku shaqeyneysay oo ay Jimcihi ciidamada Isra’iil ku toogteen Qaza.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: