Advertisements
Wararka

Dowlada somalia oo hal milyan doolar ugu deeqday gobolada Waqooyi…


Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Hussein Abdi Elmi iyo xubna ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

“Hal milyan oo doolar oo gargaar ah ayaa Dawladdu ugu deeqday deegaannada gobollada Waqooyi ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yiri Ra’iisuwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: