Advertisements
Wararka

Kulamo gooni gooni ah oo ay yeesheen madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada…


Magaalada Baydhabo xarunta KMG u ah maamul Koonfur Galbeed ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo gooni gooni ah ah ku yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul wasaaraha dalka Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda maamul  goboleedyada dalka ka jira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirkooda.

Kulamada ayaa sidoo kale la sheegay in looga wada hadlay xiriirka labada dhinac oo maalmihii ugu danbeeyay ahaa mid mad madow uu ku jiro, waxaana madaxda dowladda federaalka ay maamul goboleedyada ka dalbadeen in xiriirka dhankooda ay ka xoojiyaan.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen xoojinta arrimaha ammaanka iyo wada shaqeyn buuxda in lahelo.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wada in magaalada Baydhabo uu ka furmoa shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa, shirkan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: