Advertisements
Wararka

Vulkano dad ku dhintay oo ka qaraxday koonfurta dalka Guatemala ee Koonfurta Amerika…


Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhimatay, 300 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Vulkano xooggan ay ka qaraxday koonfurta dalka Guatemala ee Koonfurta Ameerika.

Musiibadan ayaa waxaa sidoo kale guryohooda looga daad-gureeyay ku dhowaad 2000 oo ruux, sida uu xaqiijiyay sarkaal u qaabilsan dowladda dalkaasi arrimaha musiibooyinka kaas oo lagu magacaabo Sergio Cabanas.

Vulkaanadan ayaa waxaa ay bilaabatay shalay oo Axad aheyd, waana tii ugu xoogga badneyd iyada oo qaraxeedu hawada sare u diray uuro iyo bus lagu qiyaasay ku dhowaad lix kilo mitir.

Garoonka diyaaradaha dalkaasi ayaa gebi ahaanba la xiray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: