Advertisements
Wararka

Madaxweyne Putin ayaa sheegay inuu doonayo Yurub oo mid ah oo barwaaqo ah…


Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uusan doonaynin in uu kala qaybiyo Midowga Yurub.

Hadalkiisaas ayaa yimid ka hor booqashada Austria, waana markii koobaad ee uu booqasho ku tago dal Galbeedka Yurub ku yaalla ku dhawaad muddo sannad ah.

Warbaahinta ORF ee dalka Austria ayuu u sheegay in uu doonayo “Yurub oo mid ah oo barwaaqo ah”. wuxuuna tilmaamay in Midowga Yurub ay la leeyihiin xiriirka ganacsi ee ugu muhiimsan”.

Waxaa kale oo uu meesha ka saaray xiriirka la sheegay in uu u dhaxeeyo xisbiga United Russia iyo xisbiga Austria ka dhisan ee Freedom Party oo siyaasaddiisu midig fog tahay.

Putin ayaa la kulmi doona madaxweynaha Austria Alexander Van der Bellen, hogaamiye Sebastian Kurz iyo waliba ganacsatada, maalinta Talaadada ah.

“Markii dhibaato badan ay gaarto wadnaha Midowga Yurub, anagana dhibaatooyin badan iyo halis badan ayaa na soo wajihi” ayuu yiri Putin.

Waxaan u baahannahay in aan iskaashi la yeelanno Midowga Yurub. Ma lihin hadaf wax kala qaybin ah ama aan ku kala qaybinayno Midowga Yurub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: